Sababta aan u codsanayo macluumaadkan waa inaan ka caawinno Qeybta Racfaanka (Appeals Division) inay socodsiiyaan racfaankaaga.
Haddii aad bixiso xogta, waxaa isticmaali doona Qeybta Racfaanka (Appeals Division) si loo hubiyo in degmada saxda ah ama wakaalada gobolka qayb ka tahay rafcaanka. Waxaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in lagu go'aamiyo haddii iyo goorta dacwad-dhegaysigu dhacayo ama haddii macluumaad dheeraad ah loo baahan yahay kahor inta aan racfaanka la gudbin. Qeybta Rafcaanka (Appeals Division) waxay sidoo kale isticmaali doonaan macluumaadka aad soo gudbisay si ay u go'aamiyaan inay wakaaladu qaaday tallaabo sax ah oo ku aadan racfaankaaga. Intaas waxaa dheer, wakaalada aad rafcaan ka qaadanayso waxay isticmaali doontaa macluumaadka si ay dib ugu eegto waxa ay samaysay ee ku aadan kiiskaaga. Wakaaladu waxay u isticmaali doontaa inay diyaariso jawaab-celinta racfaankaaga ama inay isku daydo oo kula xalliso arrinta.
Si sharci ah lagaagama baahna inaad xogtan bixiso waadna diidi kartaa inaad sidaasi samayso. Si kastaba ha ahaatee, haddii aadan bixin xogta, waxaa laga yaabaa inuu dib u dhaco ka shaqaynta rafcaankaaga iyo waqtiga ku baxa in go'aan laga gaaro.
Macluumaadka aad bixiso waa mid gaar ah. Lama wadaagi doono cid kasta oo aan xuquuq sharciyeed u lahayn inay aragto. Rafcaannada badankood, tani waxaa ku jira wakiilada ka socda wakaalada aad rafcaanka ka qaadanayso, oo ay weheliyaan shaqaalaha Qeybta Rafcaanka (Appeals Division) iyo shaqaalaha kale ee gobolka kuwaasoo kormeera kana warbixiya barnaamij-ka(yada) racfaanka laga qaadanayo. Macluumaadka sidoo kale waxaa la wadaagi karaa haddii la helo amar maxkamadeed ama waxaa la siin karaa gobolka, dawladda dhexe ama hanti-dhowrada sharciyeed. Haddii aad racfaan dheeraad ah ka qaadato go'aankan, macluumaadka sidoo kale waxaa lala wadaagi karaa maxkamadda degmada ama wakaalad kale oo aad rafcaan ka qaadatay.
Markaan saxiixo foomkan, waxaan xaqiijinayaa:
- Inaan uga jawaabay su'aalaha oo dhan si dhab ah intii aan ogahay.
- Waan fahamsanahay in aan la iiga baahnayn inaan buuxiyo foomkan oo aan si isxilqaam ah ugu buuxinayo si aan u gudbiyo racfaan.
- Waan fahamsanahay sida macluumaadka aan bixiyo loo isticmaali doono iyo cidda heli karta.
- Haddii aan igmado wakiil, qofkaas waxaa loo oggolaaday inuu igu matalo racfaankan iyo inuu helo dhammaan macluumaadka aniga igu saabsan ee la xiriira racfaanka.