DHS-1958-SOM   2-21 (1.0.3)

Codsiga adeegyada taageerada carruurta

Kusoo dhawoow barnaamijka taageerada carruurta ee Minnesota! Taageerada carruurtu waa lacag waalidiintu ku baxshaan waalidka kale ee ilmaha ama daryeelaha si ay u taageeraan cunugooda. Kahor intaadan buuxin codsigaan, fadlan akhri buug gacmeedka Fahanka Taageerada Carruurta si aad xog dheeraad ah uga ogaato barnaamijka.

Fadlan bixi xogta ugu badan ee suuragalka ah, uuna ku jiro lambarka taleefanka maalintii si uu nooga caawiyo inaan si sax ah kuugu adeegno. Barnaamijka taageerada carruurta ayaa adeegsada xogtaan si lagaaga caawiyo inaad qaado ama bixiso lacagta taageerada. Buuxi codsiga gaarka ah ee waalid kasta oo ilmo aad isla dhasheen.

Adeegyada taageerada ilmaha waxaa ku jira:

  • Helitaanka goobta waalidka
  • Caddaynta aabonimada iyo amarada maxkamada ee taageerada ilmaha
  • Fulinta amarada taageerada carruurta
  • Ka shaqaynta lacagaha uu baxsho hal waalid iyo u dirista waalidka kale
  • Dib u eegista, wax ka badalka, iyo kordhinta amarada taageerada carruurta
  • Kala shaqaynta gobalada kale abuurista iyo fulinta amarada taageerada carruurta.

Haddii aad su'aalo ka qabto buuxinta codsigaan, la xariir wakaalada taageerada carruurta ee maxaliga ah ee degmadaada. Haddii aad waajahdo cilado farsamo intaad buuxinayso codsigaan, la xariir Xafiiska Taageerada ilmaha ee Minnesota.

Barnaamijka taageerada carruurta ayaa gacan ka gaysan doona dhawrista xog kasta oon aruurino oo kugu saabsan adigga kuna jirta codsigaan. Ogaysiiska buuxa ee xeerarkeena xogta sirta ah ayaa ku jira dukumiintigaan waxaana onleen looga heli karaa.

Barnaamijka taageerada carruurta ayaa ku waydiinaaya xogta shaqsiyeed sida isirka, qowmiyada, iyo jinsiga oo loo adeegsanaayo aruurinta xogta iyo qiimaynta farqiyada ka jira adeegyada iyo natiijooyinka barnaamijka. Aruurinta xogtaan ayaa ka caawin doonta barnaamijka naqshadaynta iyo dhaqan gelinta xeerar waxtar leh, loo dhanyahay, oo cadaalad ah gobalka oo dhan. Waxaa intaas dheer, waxay kaa caawinaysaa xaqiijinta ku dhaqanka sharciyada xaquuqaha madaniga ah iyo kuwa kahortaga takoorka ee gobalka iyo federaalka.

Fadlan ogoow: Xog kasta oo la gashay codsigaan ayaa lumi doonta haddii aad xirto baroowsarkaaga kahor intaadan gujin submit (gudbi).

God qasab ay tahay in la buuxsho

Haddii aad dooratay jawabata "Haa" ee kore, shaqaalaha taageerada carruurta ee degmada ayaa kulasoo xariiri doona si uu kaagala hadlo walaacyadaada inta la wado shaqada codsigaan.

1. Macluumaadka codsadaha

Ma heshaa:

2. Macluumaadka shaqada codsadaha

Xaalada shaqada

Xaalada shaqada

3. Xogta kale ee waalidka

Waalidka kale ayaa qaata:

4. Xogta kale ee shaqada waalidka

Xaalada shaqada

Xaalada shaqada

Haddii aadan shaqo haysan:

5. Carruurta yaryar

Xog ka bixi carruurta yaryar ee kula nool ood waalidkood ku qortay qaybta sadexaad. Haddii aadan waalidnimo u helin carruurtaada, wakaalada taageerada carruurta ayaa kaa codsan doonta inaad xog dheeraad ah bixiso si gacan looga gaysto abuurista waalidnimada.

Guji calaamada + si aad cunug ugu darto

Bixi maacluumaad ku saabsan carruurta kale ee yaryar ee aan waalidkood ku qornayn qaybta sadexaad.

6. Xogta caymiska caafimaadka ee carruurta

Nooca caymiska caafimaadka carruurta:

Nooca caymiska caafimaadka ee waalidka kale ee carruurta:

Ma jiraa waalid lagu amray inuu baxsho:

7. Daryeelka Carruurta

U buuxi cunug kasta oo leh qarashaadka daryeelka carruurta.

Guji calaamada + si aad cunug ugu darto

8. Xariirka kala dhaxeeya codsadaha waalidka kale

Waa maxay xariirka kaala dhaxeeya waalidka kale? (calaamadee dhamaan meelaha quseeya) 

9. Xogta amarka maxkamada iyo sharciga

Nooca amarka (calaamadee dhamaan meelaha quseeya)

10. Xogta lacagta taageerada

11. Xog kale

12. Cadaymaha iyo Saxiixyada

Anoo ku qoraaya magacayga godka 'Saxiixa elektarooniga ah' kadibna gujinaaya batoonka 'Submit (Gudbi)', waxaan iska qorayaa adeegyada taageerada buuxda ee barnaamijka taageerada ilmaha ee Minnesota oo hoos yimaada qodobka Title IV-D ee Sharciga Amniga Bulshada (Social Security). Markaan gudbinayo foomkaan, waxaan fahamsanahay:

  • Adeegyada aan heli karo anigu iyo waajibaadka i saaran
  • Waxaan u ogolaanayaa barnaamijka taageerada carruurta ee Minnesota inuu qaado talaabo sharci ah, oo la xariirta taageerada carruurta asagoo wakiil ka ah carruurta aan codsiga awgood u gudbinaayo
  • Barnaamijka taageerada carruurta ee Minnesota ayaa xor u ah inuu go'aansho talaabada ku haboon si loo abuuro, loo fuliyo, waxna looga badalo amarkayga taageerada carruurta
  • Waa qasab inaan la shaqeeyo taageerada carruurta ee Minnesota si aan u helo adeegyada, oo ay ku jiri karaan:
    • siinta xog qoraal ah iyo mid hadal ah
    • ka qaybgalka baaritaanka hide sidayaasha si loo hubiyo waalidnimada
    • soo xaadirida dhagaysiga maxkamada ee muhiimka u ah raadinta adeegyada taageerada ilmaha ee la codsaday, iyo
    • u sheegida wakaaladaha taageerada carruurta isbadalo kasta oo ku dhaca xaaladaha saamaynta ku leh kiiskayga taageerada carruurta
  • Ku fashilmidayda wada shaqaynta ayaa keeni karta in kiiskayga la xiro
  • Xafiiska qareenka degmada ayaa keliya matalaaya degmada iyo gobalka Minnesota, imana matalo aniga, waalidka kale, carruurta ama masuulka kale ee carruurta
  • Waxaan xaq u leeyahay qareenkayga gaarka ah waxaana qareen shaqaalaysiin karaa markaan doono
  • Barnaamijka taageerada carruurta ayaa xaqiijin kara xogta aan ku baxsho codsigaan asagoo adeegsanaaya ilo sharcigu ogol yahay, la xariir waalidka kale si loo helo xog dheeraad ah, oo adeegsado dhammaan xogta la aruurshay si loo go'aansho nooca talaabada la qaadaayo
  • Xarunta Lacag bixinta Taageerada ilmaha ee Minnesota ayaa heli doonto kadibna qaybin doonta dhammaan lacagaha taageerada carruurta. Haddii aan ahay waalid qaata taageerada carruurta, waxaan u fasaxayaa xarunta inay magacayga u adeegsato dhiiri gelinta iyo bixinta 
  • Haddii aan doonaayo inaan xiro kiiska taageerada cunugayga, waa inaan u sheegaa wakaaladaha taageerada ilmaha ee degmadayda si hadal ama qoraal ah. Wakaalada taageerada ilmaha ayaa keliya joojin karta adeegyada taageerada ilmaha haddii ilmahagu aysan helin caawimaad dawladeed. Haddii aan xiro kiiskayga, wakaaladayda taageerada carruurta ayaa sii wadi karta inay iga qaado lacagta gobalka ama degmadu igu leedahay sabab la xariirta qaadashada caawimaada dawlada
  • Waxaa la iga doonayaa inaan soo celiyo cadad kasta oo taageero ee aan si khalad ah uga helo barnaamijka taageerada ilmaha ee Minnesota.